Thursday, September 11

Kadib 22 bilood oo ay Israa’iil xasuuq ku heysay Gaza hadda marinka Gaza ayaa u muuqda meel aan lagu noolaan karin, waxaana muuqaaladii ugu danbeeyey ee ka yimid halkaasi ay yihiin kuwo tiiraanyo wata.

Waqtigan dadkii dhismayaasha dhaadheer deganaa ayaa hadda ku nool teendhooyin, waana kuwo wajahaya daruufo qalafsan oo xaga nolosha ah.

Toddobaadkan waxaa meelo badan oo dunida ah ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo go’doonka ay Israa’iil galisay Gaza, waxana bannaabaxyadu ay ka dhaceen 12 dal oo ku kala yaalla qaaradaha afrika yurub aasiya, Austrilia iyo america.

Dibadbaxyaasha ayaa sheegaya in ay u adkeysan waayeen xaaladda adag ee ay wajahayaan dadka Gaza, waxaana ay tilmaameen in waqtigan la joogo xiligii Israa’iil lagu qasbi lahaa in ay ka hor wareegto dadka gargaarka u baahan, ee u geeriyoonaya cunno la’aanta.

Mid ka mid ah qoraayaasha u dhashay Israa’iil, David Grossman ayaa hortagay warbaahinta , isagoo yiri : “ Muddo dheer ayay igu qaadatay inan ka fogaado adeegsiga erayga xasuuq… maanta waxaan waayay wax mar marsiyo ah, waxaan oranayaa, waxa ay Israa’iil ka wado Qasa , dhab ahaantii waa xasuuq— si xanuun badan oo qalbi jab leh ayaan u qiraya arrinta.

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ka digay in Qasa ay ka jirto gaajo dad saameysay oo baahsan, waxayna eedda dusha uga tuureen Israa’iila, oo gacanta ku haysa dhammaan sahayda gasha dhulkaasi. Israa’iil ayaase ku adkeysatay inaysan jirin wax xayiraad ah oo saaran caawimada bini’aadantinimo, iyadoo sheegtay inaysan jirin “gaajo” halkaas ka jirta.

Ilmo aan qaan-gaar ahayn ayaa ku geeriyooday kartoon gargaar ku jiray oo ku dul dhacay , kaa soo qeyb ka ahaa gargaar khamiistii hawada lagu gaarsiiyay marinka Qasa ee dhulka Falastiiniyiinta la go’doomiyay. Sida ay sheegtay warbaahinta Falastiin ee Quds news.

Dhinaca kale Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC , Karim Khan ayaa la sheegay in ‘har iyo hoy’ ay u diideen Mareykanka iyo Ingiriiska , iyagoo maalin kasta hanjabaad iyo caga-jugleyn aan kala joogsi lahayn la wadaagaya, sabab la xiriirta go’aamada ka dhanka ah Israa’iil iyo inuu xarig u jaray Netanyahu iyo wasiirkiisa difaaca — Mareykanka iyo Ingiriiska waxay ka doonayaan Khan inuu ka laabto go’aankaa oo faraha kala baxo baaritaanka uu ku hayo dambiya ay Israa’iil ka geysanayso marinka Qasa , kaliya Khan ma aha ee xataa qoyskiisa ayaa meel ay cag dhigaan la’ waxana si joogto ah ugu soo dhacaya telefoonno loogu sheegayo inay noloshooda khatar ku jirto, taasoo cariiri galisay Karim Khan iyo qoyskiisa, sida ay werisay Al Jazeera.

Tirooyinka ugu dambeeyay ee Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in ugu yaraan 1,373 Falastiiniyiin ah lagu dilay iyagoo raadinaya cunto tan iyo dabayaaqadii bisha Maajo.

Inta badan dadkaasi waxaa lagu dilay meelaha sahayda lagu qeybiyo ee ku dhow xadka, gaar ahaan kuwa uu taageerayo mashruuca Gargaarka Qasa ee ay maalgelinayaan Israel iyo Mareykanka, sida ay sheegtay QM.

Israa’iil ayaa ku eedeysay Xamaas inay fowdo ka abuurayso agagaarka goobahaasi, iyadoo sheegtay in ciidamadeeda aysan si ula kac ah u beegsan rayid.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Isr1L, Ehud Barak ayaa sheegay tallaabooyinka militari ee hadda ka socda Qasa inay yihiin kuwo gabi ahaanba aan qiil lahayn,isla markaana aan wax xiriir ah la lahayn ammaanka Isr1L.

Barak, oo u muuqda inuu arkayo dareenka dadweynaha caalamka ee ka dhanka Israa’iil, ayaa u sheegay Sky News ; wax kasta oo dhacaya inuu mas’uuliyadeeda qaadayo Netanyahu oo aan dusho loo wada saari karin Isr1L, isagoo intaa ku daray inuu ka soo horjeedo wax kasta oo hadda ka dhacaya Qasa.

Xaaladda gaza ayaa saacadba saacada ka danbeysa ka sii dareysa, waxaana xusid mudan in ku dhawaad 12, kun oo caruur ah ay wajahayaan nafaqo dari baahsan.

Exit mobile version