Saturday, September 13

Waxaa Gurmad dalbanaya ganacsatada Suuqa Degmada Jawiil ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo dhawaan xarumahooda ganacsiga uu waxyeelo u geystay dab xooggan oo ka kacay gudaha suuqa Jawiil.

Dabka oo ahaa mid aad u xooggan ayaa ku fiday guud ahaan suuqa, waxaana bas beelay xarumo badan oo ganacsi, kuwaas oo ay lahaayeen dad dan yar ah.

Ganacsatada danta yar ee uu saameeyey dabka ayaa bulshada Soomaaliyeed ka codsaday in loo muujiyo garab istaag, si ay usii wataan noloshooda ganacsiga.

Suuqyada Soomaalida ayaa inta badan waxa ka kaca dab, kaas oo loo sababeeyo korontada, taas oo aan xadeysneyn, isla markaana mararka qaar soo tuurta dab xooggan oo aanay xamili karin fiilooyinka korontada ee ku xiran Suuqyayada.

Dabka inta badan ka kaca Suuqyada Soomaalida ayaa sababa khasaare aad u baaxad weyn, waxaana hantidooda ku waaya dad u badan dan yar, kuwaas oo aanan heysan dhaqaalle ay ganacsigooda ku sii wataan.

Exit mobile version