(Hortabin Media) – Qaar ka tirsan dadkii ku ganacsanayey suuqa degmada Xamar Wayne, ee dhawaan gubtay ayaa dalbanaya in la caawiyo, maaddaama ay ku sugan yihiin maalmo qaraar.
Dadkan ayaa sida la ogyahay waxa ay hanti badan uga gubatay gudaha Suuqa, kaas oo gabi ahaantiisaba bas-beelay.
Dadka gurmadka dalbanaya ayaa u badan ganacsato, suuqa ku lahaa ganacsiyo yar yar, oo ay ka raadin jireen quutul daruurigooda, waxaana waqtigan culeys uu soo food saaray iyaga iyo qoysaskooda.
Dabka Suuqa Xamar Wayne ka kacay oo saacado badan socday, ayaa sababay inuu ku fido inta badan suuqa, taas oo kordhisay khasaaraha.
Gudaha Soomaaliya, waxaa soo noq noqda suuqyada gubanaya, waxaana arrintan loo sababeeyaa korontada ay bixiyaan shirkadaha, taas oo quwadeedu aanay xadidneyn, inta badana khasaare ba’an geysata.