Friday, September 12

Ganacsatada Soomaalida ee dalka Kenya ayaa walaac ba’an ka muujinaya canshuurta lagu kordhiyey ganacsiga dalkaasi.

Soomaalidan oo badankood ku ganacsada suuqa Xaafada Islii ee dalka Kenya, ayaa si isku wada mid ah u dareemay cuelyskan ka taagan canshuur kordhinta la sameeyey.

Sidoo kale waxaa caqabad xooggan lagu qabaa sicir barar hareeyey maciishada dalkaasi, iyo sara u kaca dhanka maciishada.

Dhawaan Madaxweynaha Kenya ayaa dhawaan saxiixay sharci dhigaya in ganacsiga kenya lagu kordhiyo canshuurta, taas oo ah iminka mida walaaca laga muujinayo. 

Exit mobile version