Sunday, September 14

Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabtay nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Saciid Diiriye, kaas oo si aad ah looga yaqaano Muqdisho.

Saciid Diiriye ayaa laga soo qabtay xarun ganacsi oo uu ku leeyahay degmada Shangaani, halkaas oo ay ka soo xireen ciidamada nabad sugida Soomaaliya.

Sababta loo xiray ayey ilo wareedyada qaar sheegayaan inuu soo galay tuhuno ku qotoma xiriiro uu la leeyahay shaqsiyaad gaar oo ay dowladdu raadineyso xogahooda.

Su’aallo badan oo la weydiiyey kadib waxaa loo gudbiyey xarunta denbi baarista ee CID, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dhawaan uu ka soo muuqan doono maxkamadaha dalka.

Exit mobile version