Friday, September 12

Maamulka Galmudug ayaa sheegay inuusan aqbaleynin in deggaanada uu ka arrimiyo ay ku soo laab laabtaan dagaal beeleedyada u dhaxeeya dadka halkaasi wada dega.

Jenaraal Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb oo ah la taliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha Galmudug, ayaa si cad u sheegay in ay jiraan dad ku howlan kicinta dagaal beeleedyada ka dhacaya degaanada Galmudug.

Jeneraal Cabdi Jaamac, wuxuu wacad ku maray in ay gacan bir ah ku qaban doonaan dadka ku howlan kicinta colaad beeleedyada ka soo cusboonaaday degaanada Galmudug.

Maamulka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in ay waqtigan xoogeysato colaada ka dhaxeysa beelaha walaalaha ah, wuxuuna tilmaamay in ay furi doonaan madal lagu wada hadlo, halkaas oo lagu xalinayo khilaafaadka jira.

Si Kastaba deggaanada Galmudug ayey inta badan ka dhacaan dagaal beeleedyo dhaliya khasaare isugu jira, dhimasho, dhaawac iyo barakac xooggan.

Exit mobile version