Saturday, September 13

Waxaa maanta deggaanada Maamulka Galmudug si rasmi ah uga bilawday Imtxaanka shahaadiga dugsiyada dhexe oo ay qaadeyso Dowladda Soomaaliya.

Sida ay Wasaarada Waxbarashada Galmudug shaacisay waxa imtixaanka maanta u fariistay arday tiradoodu gaareyso  4,931, iyadoo lagu galayo 25 xarumood oo ka tirsan guud ahaan degaanada maamulka.

Waxaa imtixaanka ka warqabkiisa ka qeyb qaadanaya 25, howl wadeeno oo isugu jira macalimiin iyo kaaliyayaal.

Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa guul u rajeeyey ardayda maanta imitxaanka u fariisaneysa, isagoo uga digay waxyaabaha dhibaatada ku noqon kara natiijada imtixaankooda.

Si kastaba Galmudug ayaa ka mid ah meelaha uu ka hirgalay imtixaanka shahaadiga ee ay qaado Dowladda Soomaaliya, kaas oo ay Dowladdu ku hubineyso tayada waxbarashada ardayda ka aflaxeysa dugsiyada kala duwan ee dalka.

Exit mobile version