Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday dad rayid ah oo saarnaa gaari, ka baxay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.
Gaariga la weeraray ayaa u socday deegaanka Xiindheere, waxaana marka uu weerarka la kulmayey uu marayey degaanka Gadoon.
Dadka weeraeka ku geeriyooday, waxey tiradoodu gaareysaa 2 qof, iyadoo uu dhaawac soo gaaray 3- kale, waxaana weerarkan ayaa salka ku haya arrimo la xiriira aannooyin qabiil.
Maamulka Galmudug ayaa ku baxay dhacdadan, waxaana lagu daba jiraa, kuwii ka danbeeyey falkan, si caddaalada loo horkeeno.