Sunday, September 14

Darawalada gaadiidka iyo kuwo mooto Bajaajta ayaa soo dhaweeyey hadal dhawaan ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, kaas oo ahaa in la qaadayo dhagxaanta yaalla wadooyinka caasimada.

Bajaajleyda iyo darawalada gaadiidka dad weynaha ayaa hadalka Xamse ku tilmaamay mid mudan bogaadin, oo ay in muddo ah sugayeen.

Waxey ku baaqeen in hadalka Xamse Cabdi Barre laga dhabeeyo, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan wadooyinka looga qaado dhagxaanta lagu gooyey.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhawaan  sheegay in wax badan laga qabtay amniga Muqdisho, isla markaana waqtigan la joogo xilligii la qaadi lahaa dhagaxyada.

Exit mobile version