Friday, September 12

Waxaa labadii sano ee ugu danbeysay siyaaday tirada hablaha ku soo biiraya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxana qaarkood tababar ay ku soo qaateen dalka Turkiga, halka kuwa kalana ay hadda ku maqan yihiin.

Gabdhahan ayaa badankooda doorta ka mid ahaanshaha booliska, waxaase jira tira kale oo noqday Milatari iyo ciidanka asluubta ee ilaaliya xabsiyada dalka.

Hablahan oo u badan kuwa da’doodu ka yartahay 30 sano, ayaa waxaa qeyb ka ah kuwa soo dhameeyey waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacada iyo kuwa hooyooyin ah, oo ka masuula nolosha qoysaskooda

Haweenka qaarkood ayaa ka qeyb qaata gulufka ka dhanka ah Kooxda Al- Shabaab, waana kuwa ku sugan furimaha hore ee dagaalka, waxana ay kuu sheegayaan markaad la kulanto, in ay wax walba u hurayaan difaaca diinta dadka iyo dalka.

Kuwooda booliska ah ayaad ku arkeysaa, iyagoo taagan waddooyinka Muqdisho, waxana si aad ah u qooraansada dadka shacabka ah, kuwaa oo badankood aan hore u arag gabar ka tirsan ciidanka, oo amaro amni bixineysa.

Qaar ka mid ah hablaha ayaa caqabad la kulma marka la qorayo, waxana tiro ka mid ah lagu dhaliilaa qaab dhismeedka jirkooda, iyadoo la faro in ay soo laabtaan marka ay iska ridaan hilibka jirkood (is caateeyaan) waana arrin ay aad uga cawdaan.

Gabdhaha ciidanka ayaa nasiib darro ku tilmaama, in ay liidato heerka dalacsiintooda, waana kuwa badankooda xiran darajo hoose, waxana taa baddelkeeda darajada loo kordhiyaa ragga ciidanka ka tirsan, ee sida gaarka ah u fuliya danaha hoggaankii kolba haya talada dalka.

Haweenka ciidamada ka tirsan, ayaa ka siman rajada ah, in ay soo afjari karaan dhibaatooyinka heysta gabdhaha ee ay ka midka yihiin, kufsiga, gudniinka fircooniga, guurka qasabka ah iyo wixii la hal-maala, waxaase la oggayn goorta uu hirgalayo hiigsiga yoolkooda.

Exit mobile version