Monday, September 15

(Hortabin Media) – Yusra Cabdiraxmaan Cabdille oo ah gabar Soomaaliyeed  ayaa ku guulaysatay kaalinta koowaad ee tartanka 30-ka Juz ee Qur’aanka Kariimka ah ee gobolka Minnesota.

Gabadhan ayaa ku guuleysatay gaari, waxaanay isla goobtii lagu siiyey hadiyadaasi ay ugu wareejisay gaarigii hooyadeed oo lagu magacaabo Faadumo Qaasim Sheekhuna.

Gabadhan ayaa muujisay dadaal aad u fara badan, waxaana arrintan soo dhaweeyey guud ahaa Soomaalida ku dhaqan dalka Mareykanka gaar ahaan Minnesota.

Waalidiinta gabadhan oo la hadlay warbaahinta Soomaalida ee dalka Mareykanka, ayaa sheegay in waqti badan ay ku bixiyeen gabadhooda, iyagoo xusay in ay heleen mirihii ay abuurteen.

Exit mobile version