Thursday, September 11

Dowladda Finland ayaa u olololeyneysa in laga mamnuuco dalxiisayaasha Ruushka in ay soo galaan wadamada Midowga Yurub. Ra’iisul wasaaraha dalka Finland Sanna Marin ayaa sidaasi ka sheegtay shir madaxeed ay yeesheen wadamada Waqooyiga Yurub iyo Jarmalka.

“Muwaadiniinta Ruushku ma aysan bilaabin dagaalka, laakiin waa in aan ogaanaa in ay taageerayaan dagaalka,” ayay tiri Sanna Marin.

“Uma maleynayo in ay sax tahay in muwaadiniinta Ruushku ay soo galaan Midowga Yurub iyo aagga Schengen-ka iyagoo dalxiislayaal ah inta Ruushku uu dadka ku laaynayo dalka Ukraine.” ayay sii raacisay hadalkeeda.

Finland ayaa ka fekereysa sidii ay u xaddidi laheyd fiisooyinka dalxiiska ee muwaadiniinta Ruushka.
Dalalka Finland iyo Sweden ayaa doonaya in ay ku biiraan gaashaanbuurta NATO kadib duulaankii Ruushka ee dalka Ukrain.

Maryam Haji, London

Exit mobile version