Saturday, September 13

Bur burka qoysaska Soomaalida ee ku nool dalka ayaa xilligan badanaya, waxana arrintaasi saameyn weyn ku leh filimada musalsalka ee laga daawado gudaha dalka.

Filimaantan taxanaha ah ee loo yaqaano musalsalada, ayaa waxaa baahiya Taleefashino maxali ah oo ka howl gala gudaha dalka, waxana la isku xijiyaa xalqooyinka dhowr musalsal, kuwaasoo inta badan socda wax ka badan 4 saacadood.

Haweenka iyo caruurta ayaa ah kuwa aad u xiiseeya aflaantan taxanaha ah, oo lagu turjumay afka hooyo, waxana filimada badankooda laga leeyahay dalalka Carabta, Turkiga iyo Hindida.

Marka ay soo galaan musalsaladan, Dumarka ayaa ganbarka dhigta shaashada horteeda, waana kuwa aad u daneynaya ka gun-gaadhida  sheekada taxanaha ee ay la socdaan, taasoo wiiqeysa kaalinteedii daryeelka ubadka iyo waqti la qaadashada sayigeeda.

Ragga shaqeeya ee xaaslayaasha ah ayaa badankooda ugu danbeysan aqalladooda ku soo xarooda 8-da fiidnimo ee xilliga geeska afrika, waxana badankooda ay ka cabanayaan in kolka ay ku soo gurya noqdaan hoygooda ay la kulmaan dayac ka muuqda ubadkooda, iyo haweenkooda oo ka biyo diidaya in ay far nuuxiyaan inta uu ka idlaanayo musalsalka markaasoo ah ku dhawaad 12-ka saqda dhexe.

Caqabadahaas taagan ayaa ah kuwa ugu badan ee sababa furiinka oo aad ugu batay guryaha Soomaalida, mana jirto cid u istaagtay in ay arintaasi wacyi galin ka sameyso.

Dumarka qaar ayaa qalad ku tilmaamaya in farta lagu fiiqo musalsalada ay saacadaha badan daawadaan, iyagoo ku andacoonaya in ay uga nasanayaan daalka maalintii ay ka dhaxlaan howsha guriga oo ah mid baaxadeeda leh.

Si kastaba furiinkan kordhaya iyo bur burka ku imaanaya qoysaska Soomaaliyeed ayaa ah arrin walaaceeda leh, waxana ay sababtaa dayac ku yimaada ubadka, kuwaa oo inta badan iyadoo aan dhaqaale lagu siineyn la jooga hooyooyinkooda.

WQ: Ayaanle Qoyste

Exit mobile version