Thursday, September 11

Feeryahanadda Soomaaliyeed Ramla Cali ayaa ku guulaysatay ciyaartii feerka ahayd ee ugu horaysay ee ka dhacda dalka Sucuudiga.

Ramla ayaa wacdaro iyo taariikh lama iloobaan ka dhigtay dalka Sacuudiga kadib markii ay hal daqiiqo iyo shan ilbiriqsi kaliya ku garaacday gabadhii ka soo horjeeday ee Crystal Garcia Nova. Guushan ayaa noqoneysaa guushii 7-aad ee aan marnaba laga badin Ramla Cali.

Guusha kadib ayay Ramlo sheegtay in ay nasasho u baahan tahay.

“Waxaan rajeynayaa inaan helo nasasho yar hadda sababtoo ah labadii dagaal ee ugu dambeeyay waxaan la dagaallamayay anigoo dhaawac ka qaba gacanta iyo lugta,” ayay tiri Ramla.

Maryam Haji, London

Exit mobile version