Ramla Cali oo ah feeryahanadii ugu horeysay ee Soomaaliyeed ee ka qayb gasha ciyaaraha Olombikada ayaa maalinta Sabtida ah lagu wadaa in ay ka qeyb gasho tartan weyn oo xagga feerka ah oo ka dhici doonta magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya.
Tartankan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee lagu qabdo dalka Sacuudiga ayay Ramla kula hardami doontaa feeryahanada Crystal Garcia Nova oo u dhalatay jamhuuriyadda Dominica.
Waa diiwaan (record) cusub oo taariikhda u galaya Ramla Cali oo noqoneysaa gabadhii ugu horeysay ee taariikhda Sacuudiga ku dhex feertanta.
Hase yeeshee, kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Sacuudi Carabiya ayaa ku eedeeyay dowladda in tartankan uu yahay mid ay dowladda ku qarineyso xadgudubyada ka dhanka ah haweenka isla markaana ay dooneyso in dunida ay tusto xoriyadda ay haystaan dumarka ku nool Sacuudi Carabiya taas oo sheegeen in ay sawir khaldan ka bixineyso xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka.
Si kastaba ha ahaatee, Ramla ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay go’aankeeda ah in ay ka qeyb gasho tartanka ayna rajeyneyso in ay guulo waa weyn kasoo hooyin doonto.
“Waa sharaf weyn,” ayay tiri. “Waxaan noqon doonaa haweeneydii ugu horeysay ee si xirfad leh ugu tartanta Boqortooyada Sacuudi Carabiya.”
“Waxaan dareemayaa in sida warbaahintu ay u sawirto Sacuudiga aysan ahayn mid sax ah,” ayay Ramla hadalkeeda sii raacisay. “Waxay dhiiro-gelinayaan ciyaaraha dumarka iyo in ay ogolaadeen in laba gabdhood ay halkaasi ku tartamaan markii ugu horeysay, waxay taasi muujinaysaa horumarka uu dalku ka sameynayo dhinacyada kala duwan ee uu sports-ku midka yahay.”
Ramla Cali waxay sidoo kale haysataa jinsiyadda dalka Ingiriiska oo yaraanteedii illaa iyo hadda ay ku nooshahay.