Waxaa natiijo la’aan ka soo dhammaaday shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socday Villa Somalia, iyada oo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu maanta ku laabtay Kismaayo.
Arintan ayaa loo arkaa mid sii adkeynaysa khilaafka siyaasadda gaar ahaan sida dhabaha loo maraayo heshiisyada doorashada, oo waqtigan caqabad weyn noqotay.
Axmed Madoobe ayaa ka biyo diiday inuu ogolaado heshiisyadii ay dhinacyadu isku raaceen, waxaana arrintan xalkeeda ku guuldareystay RW Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.
Puntland ayaa hore u tirsaneysay caqabado kala duwan, waxaana muuqata in la faarujinayo garabka Xasan Sheekh oo xilligan uu waagu ku baryey.
Si kastaba gollaha wadatashiga shirkii u socday ayaa lagu kala tagay, lamana ogga sida lagu gaari karo xal rasmi ah oo dalka anfaca.