Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayaa Puntland ku taageeray doorashada gollaha deegaanka ee bilaabaneysa 25-ka bishan.
Farmaajo ayaa tilmaamay in hirgalinta doorashooyinka heer deegaan iyo mid Fedraal ay tahay himilooyinkii uu ku taamayey inuu gaarsiiyo dalka.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxweynaha hore ee Soomaaliya ayaa ku soo aaddaya, xilli Dowladda Soomaaliya ay ka soo horjeesatay doorashada ka billaabaneysa Puntland, waxana Madaxweyne Xasan Sheekh uu Puntland ugu baaqay in ay qabato doorasho loo wada dhan yahay.
Doorashada gollaha deegaanka iyo mida Fedraalka, ee Puntland waxaa sidoo kale qaadacay, mucaaridka daneynaya in ay Saciid Deni kula loolamaan kursiga uu ku fadhiyo, waxaana xusid mudan in arrintaasi ay ka dhalatay xiisad ilaa maanta taagan.
WQ: Ayaanle Qoyste