Alle ha u naxariistee waxaa xalay dalka Ingiriiska ku geeriyooday fannaankii caanka ahaa ee Axmednaaji Sacad, kaas oo lagu xasuusto suugaan fara badan.
Hobalkan geeriyooday Axmed-naaji Sacad ayaa ka mid ahaa fannaanintii hobolada Waaberi, wuxuuna muddo dheer ku soo jiray fanka Soomaalida.
Fannaanka geeridiisa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey eheladiisa, oo sheegay in mudooyinkii ugu danbeeyey uu la daalaa dhacayey xanuun asiibay.
Axmed-naaji Sacad oo uu aabihii yahay Yameni, ayaa waxaa dhashay hooyo Soomaaliyeed, isagoo ku barbaaray gudaha Muqdisho, halkaas oo uu uga biiray fannaaninta qaranka barisamadkii ee Waaberi.
Fannaanka ayaa si weyn uga dhex muuqday fanka Soomaalida, xitaa waqtiyadii bur burka, isagoo soo qaaday heeso badan oo ka turjumaya wadaniyada.
Axmed-naaji Sacad, ayaa sidoo kale kaalin ballaaran ku lahaa fanka Banaadiriga, wuxuuna hore u alifay suugaan xiiso badan oo Banaadiri ah.