Friday, September 12

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabis iyo isku shaandeyn ku sameeyey xubno ka tirsan golihiisa wasiirada

Ra’iisul wasaarada ayaa buuxiyey jagooyin wasaarado hore u banaanaa xilalkooda, oo ay ka mid yihiin wasaarada arrimaha dibada iyo tan amniga.

Wareegtada ka soo baxday xafiiska Ra’iisu wasaarada ayaa waxaa Axmed Macallin Fiqi  loogu magacaabay wasiirka arrmaha dibadda Soomaaliya, waxaana xilkii uu hayay ee wasaaradda arrimaha gudaha loo magacaabay Cali Yuusuf Xoosh.

Sidoo kale  Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa waxaa loo magacaabay wasiirka amniga gudaha, halka Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame isna loo magacaabay wasiirka tamarka iyo biyaha Soomaaliya.

Maxamed Aadan Macallin ayaa loo magacaabay wasiirka boostada, halka Axmed Cumar Maxamed loo dhiibay xilka waiiru dowlaha wasaaradda bay’ada iyo isbeddelka cimilada.

Ra’iisul wasaarahada magacabistiisa maanta ku soo darin xilka wasariirka haweenka iyo arrimaha qoyska oo ay dabayaaqadii sanadkii hore ka geeriyootay alle ha u naxariistee Khadiijo Maxamed Diiriye.

Haddaba magacaabista iyo isku shaandheynta uu Ra’iisul Wasaaruhu ku sameeyey golihiisa wasiirada sidee loo arkaa maxaase dar dar ah oo ay ku soo kordhin gollaha xukuumada.

Dr Cali Saciid Maxamuud kulane, waa aqonyahan ka faalooda arrimaha carabta iyo geeska afrika, wuxuuna sheegay in magacaabista ay ku soo aaday xilli loo baahi qabo.

Sidoo kale Prof Cabdiraxmaan Cabdulaahi Daqarre oo ka mdi ah aqoonyahanada ku sugan magaalada muqdisho ayaa soo dhaweeyey magacaabista uu sameeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Xilalka wasiir ee uu magacaabay Ra’iisul  Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku soo beegmeysa, xilli dhawaan labada aqal ee barlamanka ay meel mariyaan cutubyo ka tirsan dastuurka Soomaaliya.

Exit mobile version