Saturday, September 13

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay falal lidi ku ah amniga Magaalada oo isugu jira qaraxyo iyo dilal beegsi ah.

Sida wararku sheegayaan sarkaal ka tirsan ciidamada booliska ayaa gaarigiisa loogu xiray walxaha qarxa, wuxuuna gaarigu ku qarxay isgoyska Soobe, xilli uu wadadaasi marayey.

Qaraxaasi waxaa ku dhaawacmay sarkaal kaasi iyo labbo qof oo rayid ah, kuwaas oo dhaawacooda loo qaaday xarumaha caafimaadka ee Muqdisho.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan ilaalada xarunta Gobolka Banaadir, ayaa Wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan ku dilay nin shacab ah oo watay gadiidka raaxada.

Falalkan amni darrada ah, ayaa wal wal ku abuuraya dadka rayidka ah, ee ku sugan Muqdisho, kuwaas oo nabad ku naaloonayey 2 bilood ee la soo dhaafay.

Exit mobile version