Waxaa Saacadihii la soo dhaafay caasimada Muqdisho ka dhacay falal lidi ku ah amniga oo isugu jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo.
Dhacdadii ugu horeysay ayaa saakay ka dhacday degmada Wadajir gaar ahaan, agagaarka garaashka Muuse Suudi, waxaana halkaasi lagu dilay qof rayid ah, oo ka mid ahaa dadka degaanka.
Kooxdii falkaasi fulisay ayaa baxsatay, waxaana goobta yimid ciidamo sameeyey howl gal aan lagu soo qaban cidna.
Dhanka kale waxaa duhurnimadii maanta magaalada ka dhacay qarax si weyn looga maqlay xaafadaha caasimada.
Qaraxan oo uu noociisu ahaa miinooyinka gawaarida lagu xiro, ayaa lagu dhajiyey, gaari yaalay afaafka hore Muqdisho Mall.
Laamaha amniga ayaanan ilaa iyo iminka wax faah faahin ah ka bixin falalkaasi lidiga ku ah amniga, waana kuwo ku soo beegmaya xilli uu soo hagaagayey amniga caasimada.