Warar dheereaad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Degaanka Daaru nimca ee gobolka Shabeelada Dhexe.
Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii Xubno ka tirsan Al Shabaab ay saakay Aroortii hore weerar ku qaadeen Fariisin Ciidamada dawlada ay ku leeyihiin Degaankaasi.
Dhinacyada ayaa intii uu dagaalka socday isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka uu sababay barakac xooggan.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo gabi’ahaanba hawada ay ka maqan tahay isgaarsiinta degaankaasi.
Si kastaba illaa hadda lama ogga khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray dhinacyada ku dagaalamy Degaanka Daaru-Nicma ee gobolka Shabeelada Dhexe.