Saturday, September 13

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo maanta lagu weeraray saldhig ay ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS ku leeyihiin magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Qaraxyadan oo ahaa labo, ayaa loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana ilaa iyo hadda kacsan xaaladda magaalada Doolow.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa billaabay in ay barakacaan sababo la xiriira cabsi xooggan oo soo food-saartay, balse ma jiraan wax jawaab ah oo ay ciidamada Itoobiya ka bixiyeen weerarkaasi lagu qaaday saldhigooda.

Ilaa iyo iminka lama ogga khasaare rasmi ah oo ay geysteen qaraxyadan, waxaase xusid mudan in dhawaqooda laga maqlay guud ahaan Doolow.

Dhawaan Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maamul bannaan joog ah u magacaabay Gedo, halkaas oo ay weli ka taliyaan, maamulkii uu magacaabay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Exit mobile version