Monday, September 15

Qarax ismiidaamin ah oo uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa xalay abaare 9-kii fiidnimo ka dhacay maqaayada Blue Sky oo ku taalla inta u dhaxey godka jilacow iyo kontoroolka laga galo Madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxan ayaa waqtigii uu dhacayey waxaa maqaayada Blue sky ku sugnaa dad badan, oo halkaasi ku caweynayey, kuwaas oo isugu jira dhalinyaro iyo odayaal.

Qofka is qarxiyey oo aan la garaneynin ayaa isi soo dul taagay goob ay dadku ku shaahaayeen, waxaana si kedis ah u dhacay qaraxa, oo jugtiisa laga maqlay degmooyinka ku xeeran maqaayadaasi, iyadoo halkaasina ay ka dhasheen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa Agaasimihii Taleefashinka Somali Caple, Cabdifitaax Nur Macallin Qeys, iyo lix kale, kuwaas oo dhamaantood ahaa shacab.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa buux dhaafiyey dhiig iyo hilbaha dadkii goobta ku waxyeeloobay, waxaana sidoo kale maqaayada soo gaaray bur bur xooggan.

Dhinaca kale Af-hayeenka Ciidanka Booliska ayaa qoraal uu la wadaagay saxaafada waxa uu ku sheegay in marka laga soo tago qofka is miidaamiyey uu qaraxaaasi ku geeriyooday agaasime Cabdifitaax Qeys, waxana uu xusay in 4 kale ay ku dhaawacmeen.

Af-hayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan baaritaan ku aadan qaabka uu qaraxu u dhacay iyo tirada dadkii wax ku noqday , wixii soo kordhana ay saaxafada la wadaagi doonaan.

Qaraxana ayaa ku soo beegmaya xilil mudooyinkii ugu danbeeyey uu soo hagaagayey amaanka magaalada Muqdisho.

Exit mobile version