Saturday, September 13

Waxaa markii ugu horeysay ka hadlay jirdil ay dhawaan u geysteen ciidamada Taraafikada wiil dhibane ah oo lagu magacaabo Ismaaciil Cabdi Cadaawe, kaas oo toddobaadkan la baahiyey muuqaal, isagoo ay jirdil u geysanayaan ciidamado ka tirsan kuwa gaadiidka kala haga.

Wiilkan oo ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba, ayaa hore uga tirsanaa ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya, wuxuuna ku naafowbay weerarkii ay Al Shabaab ku qaadeen Hotel Hayaat, oo uu ka mid ahaa ciidamadii u xil saarnaa soo afjarida weerarkaasi.

Ismaaciil oo weerarkaasi ku waayey mid ka mid ah addimadiisa hoose ama lugihiisa, ayaa dhawaan baraha bulshada ka soo muuqday, iyadoo lagu jirdalayo xarunta Taraafikada Muqdisho.

Sababta ugu weyn ee uu xaruntaasi u tagay ayuu ku sheegay, inuu doonayey inuu soo furdaamiyo, mooto Bajaaj uu lahaa, taas oo ay xareysteen ciidamada nabad galyada wadooyinka ee Taraafikada.

Ismaaciil oo uu muuqaalkiisu hadal heyn badan dhaliyey, ayaa sheegay in ilaa iyo iminka aanay jirin cid kiiskiisa wax ka qabatay, wuxuuna fariin u diray madaxda hay’adaha amniga oo uu ka dalbaday in caddaalada la horkeeno askartii jirdilka u geysatay.

Exit mobile version