Monday, September 15

(Hortabin Media) – Duqeyn culus ayey Saaxiibada Soomaaliya ka fuliyeen deegaanka Ceel la helay ee bartamaha Galgaduud.

Duqeynta oo xoogeeda laga maqlay deegaanada ku xeeran Ceel la helay ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo ay Al Shabaab kaga sugnaayeen deegaankaasi.

Duqeyntan ayaa daba joogtay dagaal qaraar oo ka dhacay deegaanka Ceel la helay, oo ka mid ah goobihii dhawaan Al Shabaab lagala wareegay.

Duqeyntan ayaa sidoo kale jawaab u ahayd weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu qaaday Madaxweynaha Galmudug, kaas oo ka dhacay deegaanka Laas Gacameey.

Duqeyntan Ma cadda dalka leh diyaaradaha fuliyey, balse waxaa la rumeysan yahay in ay fulisay dowladda Mareykanka, maaddaama goobaha la soo weeraray ay joogeen ciidamada DANAB ee uu Mareykanku tababaray.

Ilaa hadda lama ogga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntan, waxeyse socotay saacado badan taas oo muujineysa inuu khasaaruhu badan yahay.

Al Shabaab ayaa la kulmaya caddaadia adag oo kaga imaanaya furimaha uga furan deegaanada Ceel-lahelay, Xinlebi iyo Laas-gacamey, waxaana kordhaya khasaaraha kooxda soo gaaraya.

Exit mobile version