Faah faahino dheeri ah ayaa ka soo baxaya dagaal ay Al Shabaab ku qaadeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab ayaa weeraray saldhig ay ciidamada Koonfur Galbeed ku leeyihiin deegaanka Makuundo ee hoos yimaada Baydhabo.
Dagaalka ayaa qaatay saacado fara badan, waxaana dhinacyada ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, oo ay ku jiraan madaafiic.
Xaaladdan amni ee ku soo korortay Baydhabo ayaa keentay in ay cirka isku shareerto qiimihii maciishada, maaddaama Al Shabaab badan ay soo dageen hareeraha magaalada.