Friday, September 12

Faah-faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ku dhex maray deegaanka Shangeed oo ka tirsan dhulka cayn loo yaqaanno ee hoostaga gobolka Togdheer.

saraakiisha Ciidanka Maamulka SSC-Khaatumo ayaa militariga Somaliland ku eedeeyay in ay weerarkan ku soo qaadeen deegaanka oo ay gacanta ku hayeen Ciidamada SSC-Khaatumo ee aaggaasi, balse dhinaca Soomaaliland weli faahfaahin dhameystiran kama bixin iska hor-imaadkan.

Si kastaba ha ahaatee lama soo warin waxyeello dhimasho ama dhaawac oo uu sababay dagaalkani, balse iska hor-imaadyada labada dhinac ee aaggaas ayaa dhawr horay u dhacay sida ay sheegeen masuuliyiin ku sugan gobolku.

Exit mobile version