Thursday, September 11

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta iyo Masiibooyinka Qaranka (SODMA), Maxamuud Macallin Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gargaarka Deg-degga ah ee OCHA Martin Griffiths.

Ergeyga ayaa uga warbixiyay Martin Griffiths abaarta baahsan ee dalka ka jirta iyo waxyaabaha ka qabsoomay dadaalada la sameeyay iyo sidoo kale caqabadaha jira. Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gargaarka Deg-degga ah ee OCHA ayaa dhankooda ballan-qaaday in ay Soomaaliya garab ku siin doonaan qorsheyaasha ku aaddan wax ka qabashada arrimaha bani’aadannimada.

Mr. Martin ayaa dhanka kale maanta kulan la qaatay madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ka wada hadleen qorahayaasha dowladda ay diiradda saareyso oo ay ugu horeeyso arimaha gargaarka beni’aadanimo.

Maxamed Xuseen, Muqdisho

Exit mobile version