Madaxweynaha Turkiga Rajib Dayib Orduqaan ayaa lagu wadaa in uu booqasho ku tago Itoobiya iyo isu tagga Imaaraadka Carabta isniinta iyo salaasada toddobaadkan. Booqashadan ayaa u muuqata mid uu Turkigu ku xoojinayo xidhiidhka laba geesoodka ah ee u la leeyahay waddaman oo saamayn ku leh galalka siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo Beriga dhexe.
Madaxa isgaadhsiinta Madaxtooyada Turkiga Burhaanu Diin ayaa shaaca ka qaaday in uu Orduqaan booqan doono Abu dabay maalinimada isniinta 16 Feebarwari 2026, isaga oo kulan la qaadan doona Madaxwene Sheekh Maxamed bin Sayid Al-nahyaan waxaana la filayaa in ay ka wada hadli doonaan galalka siyaasadeed ee beriga dhexe oo xaaladdiisu sii cakirmayso, sidoo kale waxa la filayaa in ay labada dhinaca diiradda saari doonaan xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga Ankara iyo Abu Dabay.
Booqashada Abu Dabay ka dib, Orduqaan ayaa ku jihaysan Addisababa ka dib markii uu casuumad ka helay Raysal Wasaaraha Itoobiya Aby Axmed, waxaana la filayaa in ay labada dhinac ka wada hadli doonaan xoojinta xidhiidhka iyo danaha labada dal, sidoo kale waxa qorshaha ku jirta saxeexa heshiis yo u dhexeeya Addisababa iyo Ankara.
Safarka Orduqaan ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda siyaasadeed ee Beriga dhexe iyo ta Geeska Afrika ay marayaan marxalad xasaasi ah, waxaana socda isbeddelo xawli ku socda oo ka taagan labadan mandaqadood. Dhanka kale, Soomaaliya oo uu Turkigu ku leeyahay joogitaanka ugu xoogan isla markaasna saanad milatari uu ku soo daabulayey toddobaadyadii ugu danbeeyey ayaan ku jirin qorshaha safarka Orduqaan.
