Thursday, September 11

Erdogan ayaa ku hanjabay in Ankara ay hor istaagi doonto codsiga dalalka Sweden iyo Finland ee ka mid noqoshada NATO hadii ay u hogaansami waayaan dalabka iyo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Ankara.

Isagoo ka hadlayay shir saddex geesood ah oo ay yeesheen Ruushka, Iran iyo Turkiga ayuu Erdogan warbaahinta u sheegay “Waxaan rabaa in aan mar kale ku celiyo in aan hor istaagi doono geeddi-socodka xubinimada Finland iyo Sweden haddii dalalkani aysan qaadin tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo buuxiyo shuruudihii heshiiskii aan gaarnay”.

Shir madaxeedkii NATO ee ka dhacay Madrid dhamaadkii bishii June ayuu Erdogan ugu baaqay labada dal inay “ka qayb qaataan” la dagaalanka argagixisada, wuxuuna ku eedeeyay inay gabaad siiyaan mintidiinta Kurdiyiinta ee dalkiisa laga mamnuucay.

Exit mobile version