Friday, September 12

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta mar kale sheegay in Turkiga uusan ansixin doonin dalabka dalalka Sweden iyo Finland ee ku aadan xubinimada isbaheysiga NATO ilaa labada dal ee ay “fuliyaan” heshiiskii ay la galeenAnkara.

“Illaa laga fuliyo ballan-qaadyada loo sameeyay dalkeena, waxba iskama badalayaan mabda’eena,” ayuu Erdogan ku yiri khudbad uu ka jeediyay baarlamaanka Ankara.

“Si dhow ayaan ula soconaa in la fuliyay iyo in kale ballamihii ay nala galeen Sweden iyo Finland, dabcan, go’aanka kama dambaysta ah waxaa yeelan doonaa baarlamaankeena weyn,” ayuu Erdogan raaciyay hadalkiisa.

Erdogan ayaa ku eedeeyay labada dal inay gabaad u yihiin mintidiinta Kurdiyiinta, isagoo si gaar ah u iftiimiyay xisbiga la mamnuucay ee Kurdistan Workers’ Party (PKK), iyo inay kor u qaadaan “argagixisada”.

Sweden iyo Finland ayaa bishii June heshiis ay ku jireen qodobbo ku saabsan isu-celinta iyo wadaagga macluumaadka la galay dalka Turkiga, taas oo ay badalkeeda ku doonayeen in Turkigu uu ogolaado xubinimadooda NATO.

Illaa hadda, 28 ka mid ah 30ka xubnood ee NATO ayaa ansixiyay xubinnimada Finland iyo Sweden. Kaliya Hungary iyo Turkiga ayaan wali dalabka xubinimada ee dalalkan horgeynin baarlamaanadooda si ay u ansixiyaan ama u diidaan.

Axmed Dhaqane, Nairobi

Exit mobile version