Friday, September 12
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Agaasimihii hore ee hey’adda NISA ayaa soo saaray Qoraal uu ku durayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu ku eedeeyey inuu ka aamusay doorashooyinka ka socda Puntland.

Fahad ayaa sheegay in doorashooyinka ka socda Puntland ay yihiin kuwo qof iyo cod ah, wuxuuna quuri waa ku sifeeyey aamusnaanta Xasan Sheekh oo uu sheegay inuu ku cel celiyo inuu qabanayo doorasho qof iyo cod ah.

Halkan Hoose ka akhriso qoraalka uu soo qoray Fahad Yaasiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh, laba sanadood iyo dheeraad oo uu xukunka joogo wuxuu meel walba iyo goor walba la taagan yahay dalka waxaan ka hirgalinayaa doorasho qof iyo cod ah.

Shacabka iyo maamulka Puntland waxay qabsadeen doorasho qof iyo cod ah, haddana, Madaxweynaha dalka waa u quuri la’yahay reer Puntland hambalyo iyo boogaadin inuu hawada u mariyo.

Waxaan rabaa doorasho qof iyo cod ah inay dalka oo dhan ka qabsoonto, haddana Puntland uma ogoli, haday qabsadaanna kuma boogaadinayo oo waan ka aamusayaa!

Exit mobile version