Saturday, September 13

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxibada caalamiga ah ayaa howlgal qorshaysan oo dhanka cirka ah ka fuliyay deegaanka jeex jeexa ee gobolka mudug.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu dilay Xubin Ajanabi ah oo ka tirsan Alshabaab oo la sheegay inuu ka soo jeedo dalka lubnaan kaa soo Alshabaab u qaabilsanaa tashkiilinta dhalinyarada gobolada Mudug iyo Gal-guduud si ay uha bar bar dagaalamaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Hawlgal ka dhan ah Alshabaab waxaa uu  ka socday degaanada Koofurta Gobolka Mudug

Al Shabaab ayaanan ka hadlin duqeymihii ugu danbeeyey ee lala beegsaday, waxaana kooxdu u muuqataa mid wajaheysa cadaadis adag.

Exit mobile version