Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Al Shabaab lagu dilay Hawgal ka dhacay gobolkaas.
Hawlgalka ayaa la sheegay inuu ka dhacay degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac.
Ku dhawaad 20 xubnood oo tirsan Al Shabaab ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo Ciidanka NISA oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ay ka fuliyeen degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud sida lagu daabacay warbaahinta Dawlada .
Sidoo kale , Hawlgalka ayaa la sheegay in lagu burburiyay Idaacad ay Al Shabaab ay lahaayeen iyo xarun ay ku diyaarin jireen Qaraxyada iyo weerarada ayaa lagu yiri warka ay baagisay warbaahinta Dawlada.