Sunday, September 14

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay duqeyn culus ka fuliyey fariisin ay Al Shabaab ku lahaayeen gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan kooxda.

Sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya waxaa duqeyntan lagu dilay labbo horjooge, oo si aad ah loo baadigoobayey sanadihii ugu danbeeyey, kuwaas oo saameyn ku lahaa gudaha Al Shabaab.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Nuun-Garre oo hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu dilay labbada horjooge, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Cumaraani Maxamed Malaaq oo ahaa horjoogihii deegaanka Bariire iyo horjoogihii baadda iyo boobka dadka beeralayda ah u qaabilsanaa Khawaarijta kaasi oo lagu magacaabi jiray Saabir, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Geesta kale dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa saaxiibada caalamka ayaa duqeyn ku dishay 7- ka tirsan kooxda Al Shabaab, sida ku xusan warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Duqeynta kale ayaa iyana ka dhacday duleedka magaalada Caad ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ku dhuumaleysanayeen xubno ka tirsan Al Shabaab.

Mudooyinkii ugu danbeeyey dowladda Soomaaliya ayaa kordhisay duqeymaha ay la beegsaneyso Kooxda Al Shabaab, waxaana arrintaasi ay cabsi ku beertay argagixisada.

Exit mobile version