Sunday, September 14

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah iyo dadka Deegaanka ayaa xalay saq-dhaxe Howlgal qorsheysan oo dhanka cirka ah ka fuliyay inta u dhaxeysa Mesagawey iyo Baraag Sheikh Caamir oo ka tirsan Galgaduud.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Xawaal xoreey iyo Raage Bariir, waxaana lagu dilay in ka badan 21 ruux oo ka tirsan Al-Shabaab , waxaana lagu gubay gaari Cabdi bile ah.

Weerarkaan ayaa ahaa mid aad loo qorsheeyay waxaana xalay saqdii dhaxe fuliyay Diyaaradaha dagaalka, iyadoo si gaar ah loo beegsaday goob ay maalmihii la soo dhaafay isku aruursanayeen Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo saxiibada caalamka ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey kordhiyey weerarada dhanka cirka ah ee ay ku qaadayaan fariisimada Al Shabaab, taas oo kooxda culeys adag dhaxal siisay.

Exit mobile version