Sunday, September 14

Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Xoogga Dalka, oo kaashanaya dadka deegaanka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa ka kala dhacay goballada Galgaduud iyo Shabeelaha dhexe.

Howlgalka Koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Cali Hayle oo hoostaga Degmada Ruunirgood, halka howlgalka Labaad-na laga fuliyey Deegaanka Baraak Sheikh Caamir oo hoostagta Degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Howlgaladdan oo ahaa duqeymo dhanka cirka ah iyo mid lugta ah ayaa lagu fuliyey saldhigyo ay Al Shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in duqeymahaasi lala beegsaday gaari booyad ah, kaas oo ku gubtay duqeyntii, waxaana sidoo kale lagu dilay howlgalka xubno ka tirsan Al Shabaab.

Duqeynta labaad ayaa ka dhacday Xalay  deegaanka Baraak Sheikh Caamir, waxaana lagu bartilmaameesaday gaari Cabdi bile ah oo ku sugnaa halka loo yaqaano agagaarka Hareeriga jimcaale Maxamuud, waxaana gaarigaasi lahaa kooxda Al Shabaab.

Ilaa iyo iminka dowladda Soomaaliya ma shaacin tirada rasmiga ah ee duqeymahaasi lagu dilay, waxaana duqeymahan ay qeyb ka yihiin dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab ee uu kal hore iclaamiyey Madaxweyne Xasan Sheekh.

Exit mobile version