Friday, September 12

Degaanka Baraag-gur-guurte oo qiyaastii 20 KM u jirta degmada Xarardheere ee Koonfurta Gobolka mudug diyaaradaha dagaalka ayaa goordhow duqeymo culus kula eegtay maleeshiyaad badan oo halkaasi ku sugnaa.

Sida ay dowladdu sheegtay Al Shabaab ayaa maalmahan degaankaasi ku soo gurayay gaadiid dagaal, iyo maleeshiyaad fara badan waxaana xiliga  duqeeymaaha lala beegsanayey  halkaasi ku sugnaa gadiid dagaal iyo xubno ka tirsan Al Shabaab.

Dowladda ayaa sheegtay in Jab xooggan uu soo gaaray Xubnihii Al Shabaab ee halkaasi ku dhuumaaleysanayey, balse ma sheegin tiro sugan oo duqeynta ku geeriyootay.

Ciidamada dowladda iyo saaxiibada Caalamka ayaa si joogta ah duqeymo ula eegta fariisimada Al Shabaab ee gudaha dalka, taas oo kooxda ku kordhisay caddaadis iyo cabsi badan.

Exit mobile version