Monday, September 15

Dowladda Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in saacadihii la soo dhaafay duqeyn lala beegsaday saldhigyo ay Al Shabaab ku lahaayeen gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeyntan ayaa waxaa iska kaashaday ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya, sida lagu sheegay warka ay dowladda Soomaaliya soo saartay.

Duqeyntan ayaa laga fuliyey deegaanada Bu’aale, Saakow iyo Jilib oo dhamaantood ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe, waxaana sida la sheegay lagu bur buriyey saldhigyo ay Al Shabaab hubka ku keydsan jireen.

Mudooyinkii ugu danbeeyey waxaa xoogeystay duqeymaha ay dowladda Soomaaliya la beegsaneyso goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Al Shabaab, waxaana xusid mudan in Jubbada Dhexe ay qeyb ka tahay meelaha ay ku xooggan yihiin Al Shabaab, kuwaas oo si buuxda gacanta ugu haya gobolkaasi.

Shalay ayey ahayd markii dowladda Soomaaliya ay ka warbixisay duqeyn laga fuliyey gobolka Mudug, taas oo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen kooxda Al Shabaab.

Exit mobile version