Monday, September 15

Waxaa maalinba maalinta ka danbeysa kordhaya duqeymaha cirka ee lala beegsanayo fariisimada ay Al Shabaab ku leeyihiin gudaha dalka.

Duqeymihii ugu danbeeyey dowladda Soomaaliya ayaa ka fulisay Deegaano dhaca Koonfur Bari gobolka galgaduud, halkaas oo Al Shabaab lagu gaarsiiyey khasaare lixaad leh.

Duqeyn kale oo ka dhacay duleedka Qoryooleey ayey dowladda Soomaaliya xaqiijisay in ay ku dishay 30 ka tirsan dagaalyahanada Al Shabaab.

Duqeymahan badankooda waxaa dowladda Soomaaliya ka caawinaya dalalka Turkiga iyo Mareykanka, oo si gaar ah u taageera milatariga Soomaaliya.

Duqeymahan ayaa Al Shabaab ku kordhiyey culeyska ku aaddan joogitaanka fariimihii ay caanka ku ahaayeen, waxaanay markan xaalkoodu taagan yahay in ay ku dhuumaaleystaan dhulka howdka ah.

Exit mobile version