Monday, September 15

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ka ka hadlay Xalada ka dhalatay Roobabka ka da’aya Magaalada Muqdisho .

Gudoomiye Madaale ayaa sheegay in Caasimadihii Aduunka oo dhan uu saameyn xooggan ku yeeshay Roobka islamarkaana sababay dhimasho dhaawac iyo Burbur, balse Magaalada Muqdisho Roobka ka da’ayo cidna ay san ku dhiman Hantiweyna aysan ku burburin.

Duqa Muqdisho ayaa dhinaca kale ku baaqay in loo gurmado Qoysaska ay saameeyeen Daadadka Roobka iyo Fatahaadaha webiyada kuwaas oo ku soo barakacay magaalada Muqdisho.

Hadalkan ayuu Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ka jeediyay Xilli uu xariga ka jarayay dib u dhis lagu sameeyay  Umberto Di Savoi ee ku taalla degmada Xamar-weyne halkaas oo ay dadku  u soo nasiino iyo Dalxiis tagaan waana goob taariikhi ah oo ku taalla Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Exit mobile version