Monday, September 15

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta shir jiraaa’id ku qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ka hadlay arrimo ku aadan qeylo dhaanta iyo cabashada ka soo yeereysay shacabka laga saarayo qaar ka mid ah dhulalkii ay deganaayeen, kuwaas oo uu sheegay in sifo sharci ah aanay markii hore halkaasi ku dagin.

Duqa Magaalada muqdisho ayaa sidoo kale ka warbixiyey sababaha keenay in
Kaasa Itaaliya laga saaro dadkii ku ganacsanyey, isagoo xusay in arrintaasi ay keentay codsi uga yimid dowladda Talyaaniga

Inkastoo Gudoomiyaha Gobolka Yuusuf Xuseen uu sheegay in dadkii ku ganacsanayey kaasa itaaliya ay siiyeen digniin iyo waqti ku filan oo ay halkaasi ugu guuraan ayaa misana waxaa arintaasi beeneyey qaar ka mid ah dadkii halkaasi ku ganacsayey.

Xaawo Geelle Doox oo ka mid ah dadkaasi ayaa warbaahinta u sheegtay ina anay digniin la siiyey oo ku aadan in ay kaasa itaaliya isaga guuraan, waxaana ay sheegtay in si xooog looga saaray halkaasi, hanti ay lahaydna looga bur buriyey.

Exit mobile version