Sunday, September 14

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dhagax dhigay dib u dhiska Waddada Via Liberia ee degmada Waaberi oo muda ku dhow 30-sano burbur xooggan iyo dayac xumo ka jirtay.

Dhagax dhigga waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee maamulka Gobolka Banaadir, maamulka Degmada, iyo qeybaha bulshada ku nool degmadaasi.

Dayactirta waddadan ayaa ku soo aadeysa xilli mudooyinkii ugu danbeeyey ay cabasho ka soo yeereysay darawalada gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaan BL-ka.

Waxaa sidoo kale bur burka waddadan walaac ka muujiyey wadayaasha mooto Bajaajta, iyo dadka ku nool xaafadaha ku xeeran marinkaasi, oo dhibaato ku qabay isticmaalka jidkaasi.

Exit mobile version