Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan Casho sharaf ah Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ugu sameeyay Culuma’udiin Soomaaliyeed oo isaga kala yimid wadamada Bariga Afrika, kuwaasi oo bulshada gaarsiiya Faafinta Diinta Islaamka.
Culumadan oo Magaalada Muqdisho u yimid in ay bulshada ugu nasteexeeyaan Diinta Islaamka ayaa waxaa hogaaminaayay Sheekh Xuseen Cali Sugaal (Sheekh Xuseen Jabuutaawi) iyo Sheekh Cabdiraxmaan Macalin Jigjiga. Iyagoona munaasabadda ka jeediyay khudbado isugu jirtay mahadcelin iyo guubaabo.
Munaasabada waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada, Xoghayaha Guud, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Agaasimeyaal, Haweenka iyo marti sharaf kale.