Dadka dibadbaxa dhigayey ayaa ka careysnaa amar ka soo baxay Maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo lagu bur burinayey aqaladooda, oo sida la sheegay ah dhul ay dad Soomaaliyeed milkiyadooda leeyihiin.
Dadkan oo dibadbax ballaaran dhigay ayaa isugu soo baxay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, waxeyna wadada dhexdeeda ku gubeen taahiro, taas oo hakisay isku socodkii dadka iyo gaadiidka.
Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo goobta ku sugnaa ayaa dibadbaxayaasha ku furay rasaas, waxaana rasaastaasi ka dhashay khasaare kala duwan, iyadoo ay ku dhaawacmeen dad rayid ah.
Xaaladda ayaanan weli daganeyn, waxaana laga cabsi qabaa in dibadbaxyo kale ay dhigaan dadka ku dhaqan Ceelasha Biyaha, kuwaas oo si aad ah uga caroodday falka bur burinta ah ee loo geystay aqaladooda.