Monday, September 15

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saareysa baaqyo kala duwan oo la xiriira roobabka deyrta ee curtay, kuwaas oo wata daadad xoogan.

Baaqa dowladda oo kordhaya, ayaa waxaa dhanka kale dhibaatooyin adag maraya shacabka ku nool gobolo badan oo ka tirsan gudaha dalka, kuwaas oo fariimo isku mid ah dowladda usoo diraya.

Aqoonyahnada ku sugan gudaha dalka, ayaa dowladda ugu baaqaya in aanay ku ekaan digniin oo qura, isla markaana gurmad ay la gaarto shacabka qeylo dhaantu ka soo yeereyso.

Aqoonyahanadan oo ku takhasusay cilmiga deegaanka, ayaa sheegaya in jawaabta dowladda ay wax badan ka tari karto xaaladda iminka taagan, waxeyna soo jeediyeen in dhaqaalle badan loo qoondeeyo sidii looga samata bixi lahaa xaaladaha taagan iyo kuwa dalka ku soo wajahan.

Aqoonyahnadan ayaa dowladda Soomaaliya kula taliyey in ay qeylo dhaan u dirsato beesha caalamka, gaar ahaa hay’adaha samafalka, si jawaab bani’aadminimo oo xaaladooda wax ka baddeli karta ay u helaan dadka tabaaleysan.

Exit mobile version