Thursday, September 11

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb gashay Madasha 76-aad ee Golaha Caafimaadka Adduunka (76th World Health Assembly) oo ka dhacaya magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Dr Ali Haji Aden oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa shirkan ka qeyb galay, waxaana shirkan looga hadlayaa arrimo ku qotoma Caafimaadka Adduunka.

“Badbaadinta Nolosha” iyo sii wadida horumarinta Caafimaadka dadka oo dhan,” ayaa sanadkan ah hal ku dhigga shirka Caafimaadka Adduunka, waxaana masuuliyiinti ka qeyb galay ay aad uga doodeen go’aanada siyaasadaha qaabayn doona mustaqbalka Daryeelka Caafimaadka Adduunka oo dhan.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Ajendaha kalfadhigu waxa uu ka kooban yahay mawduucyo aad u muhiim ah, oo ay ka mid yihiin  soo jeedinta Miisaaniyada Barnaamijka 2024-2025, Istaraatiijiyadda Caalamiga ah ee Caafimaadka Haweenka, Carruurta iyo Dhallinyarada ee (2016-2030),

Ajendaha waxaa sidoo kale qeyb ka ah, Qorshaha  Yoolka  Caafimaadka loo dhanyahay ee Caalamiga ah (UHC), Habraacyada  jaangooynta magacyada aaladaha caafimaadka,  iyo guud ahaan u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka dadweynaha.

WQ: Ayaanle Qoyste

Exit mobile version