Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys oo maanta shir jaraa’id u qabtay warfidiyeenada ayaa ka warbixiyey howlgal ay ciidamada dowladda ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoose.
Wasiirka ayaa xusay in howlgal gaar ah laga fuliyey deggaanka Baladul Amiin, halkaas oo sida uu sheegay lagu dilay xubno ka tirsan Al Shabaab oo ay tiradoodu gaareyso 20 dagaalyahan.
Wasiirka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in dhawaan ay billaabanayaan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, kaas oo ay ka qeyb qaadanayaan dowladdaha dariska.
Waxaa Mudooyinkii ugu danbeeyey isi soo tarayey howlgalada ay ciidamada dowladda ka fulinayaan deegaanada dalka, gaar ahaan goobaha ay ku sugan yihiin Al Shabab, waxaana inta badan ay dowladdu soo warisaa khasaaraha ay gaarsiisay kooxdaasi.