Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in duqeyn xooggan ay la beegsatay dagaal yahano ka tirsan kooxda Al Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa gobolka Mudug.
Duqeyntan oo dhacday saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Soomaaliya ka caawiyey dalalka dhinaca milatariga ka kaaba, waxeyna ahayd mid bartilmaameedsan.
Sida ay dowladdu shaacisay duqeynta waxaa si gaar ah looga fuliyey dhul howd ah oo u dhexeeya deegaanada Caad iyo Cadaley oo ka tirsan gobolka Mudug.
Duqeyntan waxaa lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay 55 xubnood, halka 40 kalana lagu dhaawacay.
Bilihii ugu danbeeyey dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa kordhiyey duqeymaha dhanka cirka ah ee ay la beegsanayaan saldhigyada Al Shabaab, taas oo cabsi hor leh ku abuurtay kooxda.